Neymar: Messi ayaa badbaadiyey waayahayga Barcelona

lionelmessineymar-cropped_1i59kjafyfwhx1lgafllj4k7ty

(Catalonia) 16 Dis 2016. Neymar waxa uu sheegay in Lionel Messi uu door weyn ka ciyaaray la qabsigiisa guuleystay ee nolosha Barcelona kaddib bilow ku adkaa.

Laacibka reer Brazil waxa uu 2013 Barcelona uga soo biiray Santos balse waqti ada ayuu la kulmay.

Messi ayaa garabkiisa istaagay oo gacan siiyey Neymar.

“Sheego wacan ayaan ka hayaa Messi,” ayuu Neymar u sheegay CNN.

“Waxyar uun markii aan imaaday, waqti u fiican ma ahayn waayahayga waxa uuna ahaa midka I caawiyey. Waxa uu arkay in aan murugeysnahay, oo madaxayga dhulka yaal, oo waxba ii hagaagsaneyn.

“Waxa uu ii sheegay in aan hawsha wado, oo aan faraxsanaado una dheelo sida aan u aqaan. Sidan ayuu ii sheegay weyna I caawisay waqtigaas.

“Waa shaqsi aan jeclahay.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close