”Ka cabsan mayno kooxda Real Madrid” – Pepe Reina

(Napoli) 16 Dis 2016Pepe Reina oo ah qabtaha kooxda SSC Napoli ayaa sheegay inay wajahi doonaan Real Madrid “iyagoo bilaa cabsi ah” balse ay haatan horyaalka uun ka fikirayaan.

Kooxda Partenopei ayaa kaalinta 1-aad ka gashay guruubkeeda Champions League, balse waxay ku aadeen kooxda koobka difaacanaysa oo ay wareegga 16-ka la ciyaarayaan.

“Waa fursad wayn, sidoo kale waa mid u wanaagsan magaalada Napoli,” ayuu Reina u sheegay Radio Kiss Kiss Napoli.

“Way adag tahay in loo babac dhigo mid ka mid ah kooxaha addduunka ugu wanaagsan, balse waa inaannu Bernabeu aadnaa annagoon wax cabsi ah qabin, waa inaan ka dhigannaa fursad taariikhi ah oo aanu kusoo bixi karno.” ayuu raaciyay.

b

 

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close