”Juventus ulama ciyaari doonno inaan bareejo la galno” – Luciano Spalletti

(Roma) 16 Dis 2016 – Luciano Spalletti ayaa ka digay in ay Roma “guuldarraysan doonto” haddii ay Juventus u aadaan inay bareejo cayrsadaan.

Waxaa habeen dambe kulan la wada sugayo uu dhexsan doonaa kooxaha Giallorossi iyo horyaallada, iyadoo ay kooxda caasimaddu fursad u haysato inay hal dhibac uun usoo jirsato Juve waase haddii ay ka badiso.

“Moowqifkeennu waa mid sahlan: Kulankani waa noo muhim,” ayuu Spalletti ka sheegay shir jaraa’id.

“Halkaa uma tegi karno inaannu bareejo raadinno, waayo sidaa waa nalookaga badinayaa waana la hubaa. Waxaan nahay koox xooggan waase inaan muujinnaa xooggeenna.” ayuu raaciyay.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close