Hazard oo xoojiyey fursadaha Chelsea ee kulanka Palace

6246113261

(London0 16 Dis 2016. Eden Hazard waxaa lagu arkay tababbarka Chelsea kahor kulanka ay ka leeyihiin Crystal Palace.

Weeraryahanka Blues ee 8 gool dhaliyey 18ka jeer ee yy dheelay kolkan, laguma darin safkii Conte ee 1-0 uga badiyey Sunderland arbacadii.

Hase ahaatee, Hazard waxaa lagu arkay isaga oo dhex ordaya Cobham oo ah goobta tababbarka ee Chelsea kahor kulanka Selhurst Park.

Warkan sheegaya In Hazard uu taam u ahaan doono kulanka Palace waxa uu war wanaagsan u yahay Conte oo doonaya in uu kulankiisii 11-naad oo xiriir ah Premier League-ga badiyo.

Alan Pardew kooxdiisa waxa ay soo dhaweyneysaa kaddib niyad jabkii ka soo gaaray Manchester United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close