Carlos Bacca oo soo noqday & Mati Fernandez oo maqan (Arag laacibiinta ay Milan u magacowday kulanka Atalanta)

(Milano) 16 Dis 2016 – AC Milan ayaa dib usoo dhowaynaysa qannaaska Carlos Bacca kulanka ay habeen dambe ku wajahayaan kooxda Atalanta kulankeeda ugu dambeeya sanadkan 2016 ee Serie A, balse waxaa maqan Matias Fernandez oo jilibka ka sheeganaya.

Bacca ayaa ka maqnaa 3-dii kulan ee ugu dambeeyay isagoo murqaha ka daallanaa, isagoo intii uu maqnaana muran ku dhaliyay booqasho uu ku tegey Sevilla, wuxuuse haatan soo laabtay isagoo Gianluca Lapadula kula hardami doona booska ka bannaan weerarka dhexe ee Rossoneri.

Kooxda AC Milan ee wajahaysa Atalanta: Donnarumma, Gabriel, Plizzari; Abate, Antonelli, De Sciglio, Gomez, Paletta, Romagnoli, Zapata; Bertolacci, Bonaventura, Honda, Kucka, Locatelli, Pasalic, Poli, Sosa; Bacca, Lapadula, Luiz Adriano, Niang, Suso

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close