‘Wali dagaalka waan ku jirnaa’, – Mourinho

Manchester United Training and Press Conference

(Manchester) 15 Dis 2016. Jose Mourinho waxa uu sheegay in Manchester United ay wali beegsaneyso hanashada Premier League-ga xilli ciyaareedkan.

Red Devils xalay waxa ay 2-1 uga badiyeen Crystal Palace.

Marka laga yimaado in ay 13 dhibcood ka hooseeyaan Chelsea oo hogaanka haysa, hadana Mourinho rajo ayuu ka qabaa horyaalka.

‘Hadafka waa in aan horyaal noqono, halkaas ayaa ah jihada,’ ayuu u sheegay BT Sport.

‘Xitaa hadii aad hesho natiijooyin is xiga oo wacan mar walba waxaad ku xirnaaneysaa waxa kuwa kale sameenayaan.

‘Waan isku dayyi doonnaa, wali dagaalka waan ku jirnaa.’

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close