Taageerayaasha Roma oo helaya war farxad leh ka hor kulanka Juventus

(Roma) 15 Dis 2016 Weerar yahanka kooxda Roma ee Mohamed Salah ayaa maanta si dabiici ah uga qayb qaatay tababarka buuxa ee kooxdiisa ka hor kulanka Juventus.

Roma ayaa u safraysa dhigeeda Juventus sabtiga, xili ay guul muhiim ah ka soo gaartay isbuucaan AC.Milan oo kula tartamaysay booska labaad.

Mohamed Salah ayaa la filayaa inuu ka mid noqdo ciyaartoyda Roma ee u safraya Torino laakiin lama hubo in xiddiga reer Masar uu ku soo bilaaban doono ciyaarta.

Salah ayaa maanta si caadi ah u qaatay tababarka kooxdiisa, intabadan saxaafada talyaaniga ayaa daabacay in 24 jirkaan uu taam u yahay kulanka Juventus.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close