RASMI: Luis Suarez oo heshiis waqti dheer ah u saxiixay Barcelona

(Barcelona) 15 Dis 2016 Kooxda Barcelona ayaa shaacisay inay heshiis cusub ka saxiixday weerar yahankeeda reer Uruguay ee Luis Suarez.

Suarez ayaa qalinka ugu duugay kooxdiisa Barcelona heshiis 5 sano ah taas oo ka dhigan inuu sii joogi doono garoonka Camp Nou ilaa 2021.

Kooxda ayaa baahisay in qandaraaska Luis Suarez lagu burburin karo aduun dhan 200 milyan oo euro, taas oo ka dhigaysa kooxaha kale inaysan soo hunguriyeeyn.

Luis Suarez ayaa qalinka si rasmi ah ugu duugi doona heshiiskaan barri oo jimco ah taariikhduna tahay 16-ka December, sida ay baahisay Barcelona.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close