Maxay ka dhignayd guushii Real Madrid ay maanta ka gaartay kooxda Club America iyo goolkii Cristiano Ronaldo?

1481804986395_lc_galleryimage_soccer_football_club_amer

(Japan) 15 Dis 2016 – Real Madrid ayaa iska xaadirisay Final-ka koobka kooxaha adduunka kaddib markii ay maanta 2-0 ku martay kooxda Club America, kulan ka dhacay dalka Japan.

Guushaas waxa ay ka dhigan tahay in kooxda Real Madrid ayaa sii dheeraysatay rikoodhkeeda guul darro la’aanta, iyadoo aan hadda laga adkaan oo unbeaten ay tahay 36 kulan oo xiriir ah tartammada oo dhan.

Mudadaas aan dhinaceeda dhulka la dhigin Real Madrid waxa ay dhalisay 100 gool, waxa ay guulo gaartay 27 kulan, halka ay barbaro gashay 9 kulan, iyadoo ku guuleysatay 2 koob.

Dhinaca kale Cristiano Ronaldo ayaa goolkii uu dhaliyey waqtigii dhimashada kulankan ay guusha ka qaateen Club America, waxana uu gaaray 500 oo gool heerkiisa kooxaha.

Ronaldo ayaana maanta dhaliyey isku dar goolkiisii 500-aad ee heerkiisa kooxaha dhammaan kooxihii uu u soo ciyaaray sida Sporting Lisbon, Man United iyo Real Madrid.

Hadaba halkaan hoose ka eeg koox waliba goolasha uu u dhaliyey Ronaldo:-

Real Madrid (377)

Man Utd (118)

Sporting Lisbon (5)

czt8ed0xcaeowdc

Haddaba kooxda Los Blancos ayaa Axada la ciyaari doonta kooxda reer Japan Kashima Antlers final-ka tartanka koobka kooxaha adduunka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close