Man City oo laacib muhiim ah ka raadinaysa Atletico Madrid

Image result for koke man city

(Manchester) 15 Dis 2016 Kooxda Man City ee dalka ingiriiska ayaa doonaysa laacibka qadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid Koke sida ay baahisay Marca.

Tababaraha kooxda City ee Pep Guardiola ayaa la dhacsan qaab ciyaareedka laacibka reer Spain, wuxuuna aad ugu hanwaynyahay inuu keeno kooxdiisa dhamaadka xiliciyaareed kan.

Qandaraaska Koke ee kooxda City waxaa lagu burburin karaa aduun dhan 125 milyan oo euro, laakiin maamulka Man City ayaan diyaar u ahayn inay bixiyaan qiimahaas qaaliga ah, waxayna qorshaynayaan inay la bilaabaan wadahadalo kooxdiisa Atletico Madrid.

Image result for guardiola man city

Barcelona ayaa xili aad u doonaysay 24 jirkaan laakiin Koke ayaa go’aansaday inuu iska sii joogo kooxdiisa isaga oo 2014 qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close