Ilkay Gundogan oo laga cabsi qabo inuu maqnaado inta ka harsan xiliciyaareed kan

(Manchester) 15 Dis 2016 Kooxda Manchester City ayaa helaysa war aysan ku farxin kadib markii la shaaciyay suurogalnimada uu Ilkay Gundogan garoomada uga maqnaan karo inta ka harsan xiliciyaareed kan.

Laacib kaan ayaa laga saaray qaybtii hore ee kulankii Watford, waxaana soo baxaya in dhaawaca soo gaaray laacibka reer Jarmal uu yahay mid halis ah.

Sida laga soo xigtay Bild Sport, dhaawaca Ilkay Gundogan ayaa ah mid culus, wuxuuna garoomada ka maqnaan karaa mudo dhan 6 ilaa 8-bilood.

Warbixinta ku aadan dhaawaca Ilkay Gundogan ayaa la filayaa in la soo saaro maalmaha soo socda marka baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo dhaawiciisa.

Tababare Pep Guardiola ayaa xalay xaqiijiyay in Ilkay Gundogan dhaawiciisu uu yahay mid halis ah isla markaana uu la maqnaan karo mudo dheer.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close