Evra oo soo kaftan weeraray Ronaldo una bixiyey NAASEYSTAN kaddb Ballon d’Orkiisii afraad

Manchester United v West Ham

(Manchester) 15 Dis 2016. Patrice Evra uu soo kaftan weeraray saaxiibkiisii hore ee Manchetser United, Cristiano Ronaldo kaddib markii uu ku guuleystay Ballon d’Or-kiisii afraad habeenkii Isniinta.

Labada laacib afar sano oo guulo badan ayey Old Trafford ku wada qaateen kahor inta uusan Ronaldo £80million ugu wareegin Real Madrid.

Ronaldo amaan badan ayuu ku muteystay abaal-marintaas balse Evra waxa uu goostay in uu u bixiyo naaneystan ‘‘Christian Dior’ o’.

Sidoo kale Evra waxa uu xusuusiyey Ronaldo in uusan wali gaarin hadafkii ay ku ballameen ee ahaa shanta Ballon d’Or!

capture

Dhab ahaantiii waad mudan tahay Christian Dior…laakiin xusuuso waxaan dhahnay waa in aad ku guuleysato 5 ballon d’Or!!!!!!

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close