RIKOODHADII laga diiwaan geliyey kulankii ay kooxda Liverpool ka adkaatay Middlesbrough ee Premier League

reds

(Middlesbrough) 15 Dis 2016 – Kooxda Liverpool ayaa guul wayn ka soo gaartay naadiga Middlesbrough oo ay booqatay, iyadoo ku soo laabtay kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League.

Labo ka mid ah saddexda gool oo ay kooxda Liverpool kaga adkaatay kulanka naadiga Middlesbrough waxaa dhaliyey Adam Lallana, halka goolka kale uu u saxiixay Reds xiddigooda Divock Origi.

Haddaba halkaan hoose ka eeg RIKOODHADII laga diiwaan galiyey kulankan:-

>- Tan iyo markii tababare Klopp uu la wareegay hoggaanka Liverpool, ma jirto koox ka dheesha Premier League ee dhalisay goolal ka badan inta ay dhalisay Reds oo ah 95 gool.

>- Kaliya siddeed daqiiqo iyo hal ilbiriqsi ayaa u dhexeeyey goolkii uu Lallana ka caawiyey Origi iyo midkii Origi qudhiisu ka caawiyey Lallana ee ay u kala dhaliyeen kulankan kooxdooda Liverpool.

>- Divock Origi ayaa gool u dhaliyey kooxdiisa Liverpool shan kulan oo xiriir ah oo uu u saftay tartammada oo dhan.

>- Adam Lallana ayaa ku lug yeeshay kulankan 11 gool 14 kulan oo uu Premier League ciyaaray xilli ciyaareedkan, lix gool waa uu dhaliyey, halka shan gool oo kalena uu caawiyey, waana in la mid ah intii uu sameeyey xilli ciyaareedkii 2015-16 markii uu ciyaaray 30 kulan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close