EPL: Zlatan Ibrahimovic oo dhammaadkii ciyaarta guul ku hoggaamiyey kooxdiisa Man United, xilli saddex dhibcood oo muhiim u ah ay ka soo qaateen Crystal Palace…+ SAWIRRO

 (Manchester) 15 Dis 2016 – Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa guul waqti dambe ka soo gaartay Crystal Palace oo ay booqatay kulan ka tirsan horyaalka Premier League, iyagoo ka soo helay saddex dhibcood oo muhiim u ah, waxaana ay uga soo badiyeen 2-1.

Man United ayaa goolka la horreysay waxaana dhammaadkii qeybtii hore ee ciyaarta u dhaliyey Paul Pogba, markii uu ka faa’iidaystay kubbad dadab laga soo qaaday oo uu ka helay bartamaha xerada ganaaxa Palace, kulanka ayaana lagu kala nastay 1-0 ay ku gacan sarreeyeen wiilasha tababare Jose Mourinho.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta kooxda Crystal Palace ayaa iska soo guday goolkii lagu hoggaaminayey, waxaana 66’daqiiqo ugu shubay Man United xiddiga James McArthur, kaddib kubbad uu cirib ku caawiyey Damien Delaney, kulanka ayaana sidaas ku noqday gar isku mid ah 1-1.

Dhammaadkii ciyaarta kooxda Man United ayaa la timid goolka ay guusha ku qaadatay waxaana kubbad garoonka bartankiisa kasoo qaaday 88’daqiiqo Paul Pogba ay lugta u gashay Zlatan Ibrahimovic kaasoo goolhayaha Palace dhinac ka dhigay, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 2-1 ay ku adkaatay Manchester United.

Kooxda Manchester United ayaa haatan fadhisa kaalinta lixaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, iyadoo leh 27-dhibcood 16 kulan oo ay ciyaartay.

SAWIRRO:

3b62ea2300000578-0-image-a-42_1481749473293

czq0c-1xaaarabt

czq0kogxaai2dh0

czq4wdnwgaapm5t

czq5ez0w8aev7yj

czqkifywiaib2nt

czqkkbmxgaatrxc

czqkozmweaazcla

czqxouzxaaavefv

czqy4c2xeaarrju

czqz03-xeaq9wbe

czqz038wgaacr6y

czqz039xeaajfel

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close