EPL: Manchester City oo martay kooxda Watford oo ay ku soo dhawaysay garoonkeeda Etihad…+ SAWIRRO

(Manchester) 15 Dis 2016 – Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa guul ka gaartay naadiga Watford oo ay ku soo dhawaysay garoonkeeda Etihad kulan ka tirsan horyaalka Premier League, waxaana ay uga badisay 2-0.

Manchester City ayaa goolka hore waxaa u dhaliyey 33’daqiiqo Pablo Zabaleta, kaddib caawin uga timid saaxiibkiis Kevin de Bruyne, kulanka ayaana lagu kala nastay Man City oo 1-0 ku hoggaaminaysay.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay Man City ayaa dheereystay hoggaanka ciyaarta waxaana goolka labaad u dhaliyey Sky Blues xiddigooda David Silva 86’daqiiqo kaddib caawin uu ka helay Sterling, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 2-0 ay ku adkaatay Man City.

Kooxda Manchester City ayaa haatan fadhisa kaalinta afaraad ee kala sarreynta horyaalka Premier League iyadoo leh 33-dhibcood, waxaana ay hal dhibic oo qura ka dambaysaa labada kooxood ee ka sarreeya ee Liverpool iyo Arsenal, kuwaasoo wadaaga min 34-dhibcood.

SAWIRRO:

czqj3l5xaaaem9h

czqj3m3xuaajiy

czqj3mqwiaefif3

czqjjedxaaev8sf

czqkgpewgaeellr

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close