EPL: Kooxda Chelsea oo lix dhibcood oo nadiif ah ku qabtay hoggaanka horyaalka Ingiriiska, kaddib markii ay guul dirqi ah ka soo gaareen Sunderland…+ SAWIRRO

(Sunderland) 15 Dis 2016 – Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa guul dirqi ah ka soo gaartay naadiga Sunderland oo ay booqatay, iyadoo lix dhibcood oo nadiif ah ku qabtay hoggaanka horyaalka Premier League, xilli macallin Antonio Conte iyo wiilashiisu guul soo gaareen guushoodii 10-aad oo xiriir ah.

Chelsea oo marti u ahayd kulankan kooxda Sunderland ayaa ku soo adkaatay 1-0, waxaana goolkaas madiga ah u dhaliyey 40’daqiiqo qeybtii hore Cesc Fabregas, kaddib caawin uu ka helay saaxiibkiis Willian, Blues ayaana ku adkaatay 1-0.

Kooxda tababare Antonio Conte ee Blues ayaa hoggaanka horyaalka Premier League ku qabatay lix dhibcood oo nadiif ah, waxaana ay leeyihiin 40-dhibcood, halka Liverpool oo ku jirta kaalinta labaad ay haysato 34-dhibcood.

SAWIRRO:

czqf5taxaae_akw

czqgcvpxeaahmhl

czqgfw-weay_-e6

czqgo-4wgaew5qt

czqvilaxaaah6dj

czqvilwwgaajcqx

czqvilwxcaayv4u

czqvilywiaegjfd

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close