Wiilkii Bacda ka samaystay funaanada Messi oo ay caawa kulmeen (Muuqaal)

(Doha) 13 Dis 2016 Murtaza Ahmadi oo ah wiilkii Bacda ka samaystay funaanada laacibka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa la kulmay halyeeygii uu jeclaa.

Barcelona ayaa 3-5 uga adkaatay kooxda Al-Ahli, kulan ka dhacay dalka Qatar, Messi ayaana sawir lagalay da’yarka reer Afganistan.

Sawirada Murtaza Ahmadi ayaa lagu baahiyay baraha bulshada isaga oo xiran Bac uu u sameeyay sida funaanad oo kale horaantii sanadkaan.

Messi ayaana funaanadiisa oo saxiixan horay ugu soo hadiyeeyay Murtaza Ahmadi, balse caawa ayuu si rasmi ah ula kulmay ka hor kulankii Al-Ahli.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close