“Waan ka soo bixi karnaa Barcelona” – Unai Emery

Photo published for Unai Emery: "Tenemos opciones de clasificarnos contra el Barcelona"

(Paris) 13 Dis 2016 Tababaraha kooxda PSG ee Unai Emery ayaa ka hadlay isku aadka wareega 16-ka ee kooxdiisu ay ku dhacday dhigeeda Barcelona.

Unai Emery ayaa aaminsan in kooxdiisu ay fursad fiican u haysato inay ka soo baxdo Barcelona oo haatan ah kooxda loo saadaalinayo inay soo gudbayso.

45 jirkaan reer Spain ayaa sheegay inuu sifiican u garanayo Barcelona, wuxuuna intaa ku daray inuu ku qanacsanyahay qaabkii loo sameeyay isku aadka.

Photo published for Same Foe, Different Challenge as Barcelona Take on Unai Emery's PSG

“Dhamaan kooxaha jooga heerkaan waa kuwo fiican, aniga iyo caawiyayaasheyda PSG sifiican ayaan u garanaynaa Barcelona” ayuu yiri Unai Emery.

“Waxaan u diyaar garoobaynaa inaan soo bandhigno laba kulan oo waa wayn, waxaan haysanaa fursad aan ku so gudbi karno, labada kooxoodba waa ay soo bixi karaan, laakiin waan ku qanacsanahay sidii loo sameeyay isku aadka”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close