RASMI: AC Milan oo ay soo gaartey €100m oo kale

(Milano) 13 Dis 2016 – Dalladda Milan iibsanaysa ee Sino-Europe Sports ayaa xaqiijisay inay bixisay €100m oo euro oo kale taasoo ay ku shubtay khasnadda kooxda AC Milan.

Dalladdan Chinese-ka ah ayuu qorshuhu ahaa inay kooxda Rossoneri si rasmi ah ula wareegaan bishan, balse dib u dhac farsamo ayaa ku yimid iyadoo haatan la muddeeyay bisha Maarso, waxayna sidaa darteed bixisay €100m oo kale oo magdhow ah taasoo shalay la sugayay balse maanta timid iyadoo soo martay dhanka Hong Kong.

Hadda ayayna jaalka warbaahineed ee Sino-Europe ee Community Advisor, waxay ku dhawaaqday in lacagtaas loo waariday dhanka Milan iyadoo arrinkaa ku xaqiijisay Twitter-keeda.

Waxaana war xaqiijin ah iyana laga sugayaa sharikadda Fininvest ee gacanta ku haysa AC Milan.

 

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close