EPL: Everton oo garoonkeeda Goodison Park ku garaacday kooxda Arsenal, xilli Gunners laga hor joogsaday inay hoggaanka horyaalka ku meel gaar u qabato… + SAWIRRO

(Liverpool) 14 Dis 2016 – Kooxda kubadda cagta Everton oo uu kabtankooda Phil Jagielka kaarka guduudan ka qaatay dhammaadkii ciyaarta ayaa 2-1 uga badisay Arsenal oo marti u ahayd kulan ka tirsan Premier League.

Kooxda Arsenal ayaa goolka la horreysay waxaana 20’daqiiqo qeybtii hore ee ciyaarta laad xor ah (Free Kick) oo uu tuuray Alexis Sanchez uu daba-maray goolhayaha Everton, inkastoo ay kubaddu ku sii dhacday mid ka mid ah difaacyada kooxda, Gunners ayaana kulanka ku hoggaamisay 1-0.

Dhammaadkii qeybtii hore ee ciyaarta 44’daqiiqo kooxda Everton ayaa iska soo celisay goolkii lagu hoggaaminayey, waxaana madax ugu shubay kooxda Arsenal Seamus Coleman, kaddib kubbad uu dadab ka soo qaaday Leighton Baines, kulanka ayaana lagu kala nastay baarbaro 1-1.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay Everton ayaa la timid goolka ay guusha ku qaadatay waxaana koorno uu soo qaaday Ross Barkley 86’daqiiqo madax ugu dhaliyey Ashley Williams, Everton 2-1 kaga adkaatay kooxda martida ahayd ee Arsenal.

Kabtanka Everton ee Phil Jagielka ayaa kaarka cas loo taagay daqiiqadihii dheeriga ahaa ee lagu kordhiyey ciyaarta, markii ay isku raaceen labo kaar oo kuwa digniinta ah.

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa iska lumisay fursad ay hoggaanka horyaalka Premier League si ku meel gaar ah ugu qaban lahayd, waxaana ay iska sii fadhin doontaa kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka Premier Legaue, iyadoo leh 34-dhibcood, halka Everton ay soo degtay kaalinta 7-aad iyadoo leh 23-dhibcood.

Dhinaca kale AFC Bournemouth ayaa guul 1-0 ka gaartay kooxda xafidanaysa horyaalka Premier League ee Leicester City, waxaana kooxda dawacooyinka lagu  naanayso goolkaa ugu shubay, 34’daqiiqo qeybtii hore xiddiga Marc Pugh.

SAWIRRO:

czln2qzxaaa1ut0

czlqh6lwqaautkr

czlvyfsxuaeyrbu

czlwbaxw8aajdi9

czlwe9pwgaak05f

czlwgcmxuaa7bas

czlwiidxuaqhiwr

czll1q_wgaaikrq

czll1rlxcaawuqg

czlmjyxwgaatp_5

czlmltfweaeakzj

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close