DAAWO: Wixii uu xalay sameeyay Cristiano Ronaldo markii uu ku guuleystay Ballon d’Or

czgpm8fwqaaexl0

(Paris) 13 Dis 2016. Inkastuu Cristiano Ronaldo xalay ka maqnaa xafladii Ballon d’Or ee lagu qabtay dalka Faransiiska ayuu misane muujiyay farxadiisa ku aadan abaal marinta kaddib markii loo caleemo saaray laacibka ugu fiican 2016.

L’Equipe ayaa muuqaal yar ka soo duubtay Ronaldo, hooyadii iyo wiilkiisa kaddib markii uu ku guuleystay abaal marinta Ballon d’Or.

Xiddiga reer Portgal ayaa sameeyay dabaal deg la mid ah kii 2014 markaa uu ku guuleystay isla abaal marintan, laakiin kolkan qeyladiisa way ka yareyd sida markii hore.

Haddaba isku eeg labada dabaal deg, midkii 2014 iyo kii xalay ee 2016.


Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close