Arsenal oo heshiis kordhin la gaartay Olivier Giroud iyo Francis Coquelin

(London) 13 Dis 2016 Kooxda Arsenal ayaa heshiis kordhin la gaartay labadeeda laacib ee kala ah Olivier Giroud iyo Francis Coquelin sida ay baahisay RMC Sport.

Weerar yahanka reer France ee Olivier Giroud ayaa u saxiixay kooxdiisa Arsenal hal sano oo dheeraad ah, wuxuuna kooxda la sii joogi doona ilaa 2019.

Dhanka kale Francis Coquelin oo qandaraaskiisa Arsenal uu ku egyahay 2019, ayaa ku kordhiyay laba sano oo dheeraad ah taas oo u dhigan inuu la sii joogi doono Arsenal ilaa 2021.

But Sanchez and Ozil are yet to agree terms

Laurent Koscielny ayaa dhankiisa la filayaa inuu kooxdiisa u saxiixo heshiis uu ku sii joogayo ilaa 2020 kadib qaab ciyaareedkiisa fiican ee xiliciyaareed kan.

Sidoo kale kooxda ayaa ku dhaw dhamaystirka heshiis kordhinta Mesut Ozil iyo Alexis Sanchez.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close