XOG: Sharikaadka iibsanaya AC Milan oo la shaaciyay & 100 milyan oo kale oo berri kusoo dhacaysa khasnadda kooxda

(Beijing) 12 Dis 2016 – Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay ee ka imanaya dalkaasi Shiinaha, maalgashadayaasha Chinese-ka ee iibsanaya AC Milan ayaa daboolka laga qaaday waxaana ka mid ah Huarong International, Industrial Bank, Bank of Guangzhou iyo China Zheshang Bank.

Magacyada sharikaadka ku jira dallada iibsanaysa Milan ee Sino-Europe Sports, ayaan weli si rasmi ah loo shaacinin, balse maaddaama ilaa Maarso dib loo dhigay xilliga la saxiixayo heshiiska kama dambaynta ah, Silvio Berlusconi ayaa codsaday in la sheego magacyada.

Sida uu dhigayo Il Sole 24 Ore, waxaa daladda ku jira sharikaad waawayn, kuwaasoo wehlinaya hoggaamiyayaashii hore ee Yonghong Li iyo Haixia.

Waxaana ka mid ah Huarong International, Industrial Bank, Bank of Guangzhou iyo China Zheshang Bank. Huarong iyo Haixia gaar ahaan waxay aad ugu dhow yihiin dowladda Shiinaha.

Dhanka kale lacag kale oo dhan 100 milyan oo euro ayaa lagu wadaa inay berri kusoo dhacdo khasnadda sharikadda Milan maamusha ee Fininvest taasoo ay dalladu ganaax ahaan u dhiibayso maaddaama ay kasoo dib dhacday xilligii saxiixa sababo farsamo dartood.

bb

 

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close