Roberto Mancini oo lala xiriiriyay PSG

Image result for Roberto Mancini PSG

(Paris) 12 Dis 2016 Tababarihii hore ee Man City iyo Inter Milan ee Roberto Mancini ayaa lala xiriiriyay shaqada kooxda reer France ee PSG.

Kooxda reer France ayaa ku jirta isbuuc jahwareer ah kadib guul daradii 3-0 ee Montpellier, barbarihii 2-2 ee Ludogorets iyo barbarihii kale ee xalay ay lagashay kooxda Nice taas oo ku soo idlaatay 2-2.

Tababare Unai Emery ayaa cadaadis xoogan kala kulmaya maamulka kooxdiisa, waxayna qorshaynayaan inay ka diraan kooxda kadib hoos u dhaca soo wajahay kooxda xiliciyaareed kan.

Image result for Unai Emery psg

Sida ay baahisay Le Parisien, maamulka PSG ayaa qorshaynaya inay kooxda keenaan tababaraha reer talyaani ee Roberto Mancini kaas oo aan wax shaqo ah haynin tan iyo markii uu katagay Inter xaggaagii.

Mancini ayaa lala xiriiriyay shaqada PSG bishii May, laakiin maamulka kooxda reer France ayaa ka doorbiday tababarihii Sevilla ee Unai Emery.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close