RASMI: Riyad Mahrez oo ku guuleystay abaal-marinta BBC Sport ee xiddiga ugu fiican Afrika sanadkan 2016.. + Sawirro

czfn3htwiaeptxu

(Leicester) 12 Dis 2016 – Ciyaaryahanka kooxda kubadda cagta Leicester City iyo xulka qaranka Algeria ee Riyad Mahrez ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddiga ugu fiican qaaradda Afrika sanadkan 2016.

Riyad Mahrez ayaa abaal-marintan oo ay bixiso BBC Sport ku muteystay bandhigii layaabka lahaa ee uu ku soo bandhigay kooxdiisa  Leicester City xilli ciyaareedkii hore.

Waxa uu Mahrez xilli ciyaareedkii hore ka caawiyey kooxdiisa Leicester City inay si lama filaan ah ku qaaddo horyaalka Premier League, waxaana uu ku soo baxay liiska shanta ciyaaryahan ee sanadka u sharraxan abaal-marinta xiddiga ugu fiican Afrika.

Mahrez ayaa ku guuleystay xiddigii ugu fiicnaa Premier League xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu sidoo kale ku soo baxay liiska 30-ka ciyaaryahan ee ku tartami doona abaal-marinta Ballon d’Or.

Waxa uu Mahrez abaal-marintan ku garaacay xiddigaha kala ah Sadio  Mane oo Liverpool ka tirsan, Yaya Toure oo Manchester City u ciyaara, Pierre-Emerick Aubameyang oo u safta kooxda Borussia Dortmund iyo Andre Ayew oo West Ham United ka tirsan.

czfmlv3xeaequ0x

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close