Marcelo Brozovic oo qandaraaskiisa lagu xirey shuruud qaali ah!

(Milano) 12 Dis 2016 – Wakiilka Marcelo Brozovic aya xaqiijiyay in laacibka khadka dhexe Inter Milan qandaraaskiisa lagu xirey €50m oo euro oo lagu fasiqi karo, waase kooxaha dibedda oo qura.

Laacibkan Nerazzurri ayaa xalay kooxdiisa labada goolba u dhaliyay kulankii ay 2-0 direen kooxda Genoa, taasoo ka dhigan inuu 4 gool dhaliyay afartii kulan ee ugu dambeeyay, todobaad uun kaddib markii uu heshiiska u kordhiyay kooxdiisa iyo laba bilood uun kaddib mar la is lahaa kooxda wuuba ka socdaa.

“Waxaan hubaa in Inter ay dib ugu soo laaban doonto waayihii hore. Heshiis cusboonaysiintu waxay Marcelo siisay kalsooni cusub.” ayuu yiri wakiilkiisa Miroslav Bicanic oo la hadlayay Calciomercato.com.

“Fasiqitaanka heshiiska? Haa, Waan xaqiijin karaa oo waxaa jira shuruud ay kaliya adeegsan karaan kooxaha dibedda oo ah €50m.” ayuu raaciyay.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close