Macallinka Man United ee Jose Mourinho oo tilmaamay in Wayne Rooney uusan ku bilaaban doonin kulanka Crystal Palace

wayne-rooney-hails-exciting-times-manchester-united-after-jose-mourinho-appointment

(Manchester) 12 Dis 2016 – Maareeyaha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Jose Mourinho ayaa tilmaamay in Wayne Rooney uusan ku soo laaban doonin safka hore kulanka Crystal Palace ee Arbacada, maadaama uu Henrikh Mkhitaryan maqan yahay kulankaas.

Red Devils waxaa ka maqnaan doona Mkhitaryan, kaddib markii xiddiga reer Armenia garoonka dhaawac canqowga ah looga dhex qaaday 10-kii daqiiqo ee ugu dambeeyey kulankii ay Man United 1-0 uga badisay Tottenham Hotspur ee ka dhacay garoonka Old Trafford.

Rooney, kaasoo labo gool oo qura u jira inuu garaaco Sir Bobby Charlton oo haysta rikoodhka gooldhalinta kooxda ayaa kaliya ku soo bilowday lix kulan oo horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Markii la waydiiyey shirkiisii jaraa’id ee maanta oo Isniin ah haddii Rooney uu dib ugu soo laaban doono safka hore ee kooxda maadaama uu maqan yahay Mkhitaryan, Mourinho ayaa suxufiyiinta u sheegay:

“Kaasi waa boos aan u haysanno xilligo badan – Rooney, Marcus Rashford, Jesse Lingard, Ashley Young, Memphis Depay, wax dhibaato ah ma noqon doonto inaan dooranno ciyaaryahankii ciyaari lahaa, dhibaatada ugu wayn waa Mkhitaryan, si wanaagsan ayuu u ciyaarayaa, laakiin ma ciyaarayo.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close