DEG DEG : Cristiano Ronaldo oo ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’or 2016 ee France Football

czf174ixgaqzysp

(Paris) 12 Dis 2016 – Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Real Madrid iyo xulka qaranka Portugal ee CRISTIANO RONALDO ayaa ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’or ee sanadka 2016, sida ay shaacisay haatan France Football oo abaal-marintan bixisay.

Cristiano Ronaldo ayaa markiisii afaraad ku guulaystay abaal-marinta shaqsiga ah ee xiddiga adduunka ugu fiican ee Ballon d’Orka, kaddib markii uu Lionel Messi iyo xiddigihii kale ee la tartamayay ku garaacay codbixintii ay suxufiyiinta France Football u soo xulatay ka qayb galka abaal-marintan.

Cristiano Ronaldo ayaa Champions League kula guuleystay Real Madrid, halka tartanka Euro uu markii ugu horreysay la qaaday xulkiisa Portugal.

Markii uu Ronaldo ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or markiisii ugu horreysay sanadkii 2008, isaga iyo xiddiga ay xafiiltamaan ee Messi ayaa kala qeybsaday abaal-marintan ee halkaan hoose ka eeg sidii ay ugu kala guuleysteen:-

2008: Cristiano Ronaldo

2009: Lionel Messi

2010:Lionel Messi

2011: Lionel Messi

2012: Lionel Messi

2013: Cristiano Ronaldo

2014: Cristiano Ronaldo

2015: Lionel Messi

2016: Cristiano Ronaldo

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close