AQRISO: Sheeko gaaban oo dhex martay Ozil iyo Boateng kaddib markii la isku aadiyay Arsenal iyo Bayern Munich Champions League

gu

(Europe) 12 Dis 2016. Mesut Ozil ayaa ku kaftamay saaxiibkii Jerome Boateng oo ay ka wada tirsan yihiin xulka qaranka Jarmalka kaddib markii la isku aadiyay kooxaha Arsenal iyo Bayern Munich wareega 16-ka Champions League oo la sameeyay goor dhaweyd isku aadkiisa.

Afar jeer ayaa la isku beegay labadan kooxood 5-sano gudahood, waxa uuna Ozil u sheegay saaxiibkii Boateng in Bayern ay markaan awoodi doonin inay ciyaartooy dhigato marka ay Arsenal la ciyaareyso maadaama lagu dhagan yahay horyaalka Bundesliga.

Bayern Munich ayaan u xooganayn sida sanadiii hore maadaama ay si lama filaan ah hogaanka horyaalka ula heyso kooxda yar ee RB Leipzig halka sidoo kale ay kaalinta labaad ku soo baxday Champions League.

Image result for mesut ozil with boateng

Haddaba labada xiddig ee reer Germany ayaa sheekadan gaaban dher martay kaddib markii la isku beegay labadooda kooxood:

Ozil: Markale ayaa la isku keen aadiyay.

Boateng: Waa isla wadadii sanad kasta.

Ozil: Iminka innagay inoo taalaa bro.

Boateng: Miyaadan kol horeba oran markii ugu dambesay?

Ozil: Sanad cusub, nasiib cusub. Kolkaan 10-dhibic kuma heysaan Bundesliga ciyaartoyna nooma dhigan kartaan.

Gool FM .

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close