Muxuu ka yiri Mourinho dhaawicii soo gaaray Henrikh Mkhitaryan?

(Manchester) 11 Dis 2016 Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa ka hadlay dhaawicii halista ahaa ee soo gaaray laacibkiisa Henrikh Mkhitaryan.

Xiddigaan reer Armenia oo ku soo bilowday ciyaarta ayaa u dhaliyay kooxdiisa goolkii guusha laakiin nasiib xumo dhaawac ayaa looga qaaday gudaha garoonka.

Mourinho ayaa hoos u dhigay qatarta dhaawaca Henrikh Mkhitaryan, wuxuuna xaqiijiyay inuu garoomada ka maqnaan doono ugu badnaan 2-isbuuc.

“Waxay u muuqataa inuu maqnaan doono kulanka xiga, dhaawucu ma ahan mid halis ah, uma baahna in lagu sameeyo qaliin” ayuu yiri Jose Mourinho.

“Sidaas darteed waxaan rajaynaynaa in Mkhitaryan uu taam u noqdo kulanka Boxing Day-ga” ayuu sii raaciyay tababaraha reer Portugal.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close