Maxaa ka jira in shaxda United ee kulanka Tottenham si sir ah loo fakiyay?

(Manchester) 11 Dis 2016 Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa siiwadi doona shakiga uu ka qabo qolka dharbadalashada ee kooxdiisa.

Goor hore ayuu ka cabtay in si hoose loo bixiyo shaxda kulamada uu ciyaarayo ka hor inta uusan shaacin shaxdiisa rasmiga ah.

Manchester Evening News ayaa daaha ka qaaday in si hoose loo helay shaxda tababare Mourinho uu ku soo gali doono kulanka Tottenham, waxaana xaqiiq noqotay in shaxdu ay tahay isla tii ay duhurkii maanta uu baahiyay wargayska ka soo baxa Manchester.

Mourinho ayaa ku soo galay kulanka Tottenham oo daqiiqado kadib bilaaban doona shaxdaan: De Gea, Valencia, Jones, Rojo, Darmian, Carrick, Herrera, Mkhitaryan, Pogba, Martial, Ibrahimovic.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close