Gonzalo Higuain oo ka hadlay guushii kooxdiisu ay ka gaartay Torino

هيجواين: يوفنتوس لا يعير المنافسين أي اهتمام

(Torino) 11 Dis 2016 Gooldhaliyaha kooxda Juventus ee Gonzalo Higuain ayaa ka hadlay guushii caawa kooxdiisu ay ka gaartay dariskooda Torino.

Weerar yahanka reer Argentina ayaa dib ugu soo laabtay gool dhalinta kadib markii uu caawa kooxdiisa u dhaliyay laba gool kulankii ay 3-1 uga adkaatay dhigeeda Torino.

Gonzalo Higuain ayaa sheegay in kooxdiisu aysan muhiimad siinayn natiijooyinka kooxaha kale, wuxuuna intaa ku daray in kooxdiisu ay isku diyaarinayso kulanka Roma.

Photo published for Deadly Higuain breaks Torino hearts

“Sifiican ayaan u ciyaarnay, qaab ciyaareed fiican ayaan kala hortagnay koox cajiib ah, waxa kaliya ee muhiimka ahaa waa guusha Juventus taas ayaana dhacday” ayuu yiri Gonzalo Higuain.

“Muhiimad nooma lahan natiijooyinka kooxaha kale, waayo waa ay naga hooseeyaan, taas waa dhibkooda ee ma ahan dhibkeena, lagabilaabo barri waa inaan u diyaar garownaa kulanka Roma”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close