EPL: Kooxaha Liverpool iyo West Ham United oo isku garab dhacay kulan ka tirsan horyaalka… + SAWIRRO

(Liverpool) 11 Dis 2016 –  Kooxda Liverpool ayaa guul ka gaari waysay West Ham United oo ay ku soo dhowaysay garoonka Anfield kulan ka tirsan horyaalka Premier League, waxaana ay ku kala tageen barbaro 2-2.

Liverpool ayaa goolka la horreysay, waxaana kubbad uu dadab ka soo qaaday Sadio Mane shantii daqiiqo ee ugu horreysay ciyaarta u dhaliyey Reds xiddigeeda Adam Lallana.

Dimitri Payet ayaa bulusoon toos ah (free kick) 27’daqiiqo ku barbareeyey Liverpool, waxaana uu ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1.

West Ham United ayaa hoggaanka ciyaarta la wareegtay waxaana kubbad uu goolhayaha dhinac ka dhigay hoggaanka ugu dhiibay kooxdiisa 39’daqiiqo Michail Antonio, sidaas ayaana lagu kala nastay Reds oo lagu hoggaamiyey 2-1.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay Liverpool ayaa la timid goolka barbaraha waxaana kubbad uu dadab ka soo laaday Sadio Mane oo uu tufay goolhayaha West Ham dhammaystiray 48’daqiiqo Divock Origi, kulanka ayaana waqtigii loogu tala galay ku soo dhammaaday barbaro 2-2.

Liverpool ayaa 15 kulan oo ay ciyaartay haysata 31’dhibcood, waxaana ay fadhisaa kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League, halka West Ham United ay ku jirto kaalinta 17-aad iyadoo leh 13-dhibcood.

SAWIRRO:

czaabvuxaaaxlha

czabupowgaacts5

czalckrxuaaxo29

czalcljwqaawd6n

czalsyqxeaalpo0

czalsyrxeaaqrj5

czalsyvxeaaw0-8

czalszdxaaa1met

czarduaxuael6td

czardujxaaaeqf_

czauig0xgae8d1r

czav_tnweaan6di

czav_toxaaqtrxw

czav_tuxeaemwpm

czav_ubxcaatyth

czaw_vcxaaabdgz

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close