EPL: Henrik Mkhitaryan oo Man United ku hoggaamiyey guul ay ka gaartay Tottenham, inkastoo garoonka dhaawac looga dhex qaaday … + SAWIRRO

(Manchester) 11 Dis 2016 – Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa guul garoonkeeda Old Trafford kaga gaartay Tottenham, iyadoo Henrik Mkhitaryan uu goolka guusha u dhaliyey inkastoo garoonka dhaawac looga dhex qaaday qeybtii dambe ee ciyaarta.

Man United ayaa la timid goolka hore, waxaana kubbad uu dhexda si farsamaysan uga soo baasay Herrera inta lugta ku dhigay dhaliyey 29’daqiiqo Henrik Mkhitaryan shabaqa u diray, waxaana uu ahaa goolkiisii ugu horreeyey ee uu ku dhaliyo garoonka Old Trafford iyo goolkiisii ugu horreeyey Premier League, kulanka ayaana lagu kala nastay Man United oo Tottenham ku hoggaaminaysa 1-0.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay, waxaana 63’daqiiqo Man United ay ku dhowaatay inay ciyaarta 2-0 ka dhigtay, kaddib markii uu laad xor ah ku tuuray Paul Pogba kooxda Tottenham, laakiin birta ayaa ka beenisay.

Dhaliyihii goolka guusha Man United ee Henrik Mkhitaryan ayaa garoonka sariir looga dhex qaaday 82’daqiiqo, kaddib markii uu si xun u jilaafay Danny Rose, kaasoo lagu abaal-mariyey kaarka digniinta, waxaana Mkhitaryan bedelkiisa la soo galiyey garoonka difaaca Man United ee Eric Bertrand Bailly.

Man United ayaa 1-0 guul ka gaartay Tottenham garoonkeeda Old Trafford, waxaana ay sii fadhin doontaa kaalinta 6-aad iyadoo leh 24-dhibcood, Tottenham ayaana qudheedu iska sii joogi doonta kaalinta 5-aad iyadoo haysata 27-dhibcood.

SAWIRRO:

czaaseuwqaa04ub

czabaquwgaaoj5b

czaezbfwiaey4lo

czahla1xcaadbu9

czahlavwgaejeek

czahlayxgaadqbc

czahlazwgaazeqe

czaicljwqaaim1b

czz_dk_wiaamlqr

czz1wyexeaaf9yy

czz2qguxgaabltl

czz2sx9wqaaxm2p

czz2sxjweaadrun

czz2sxwwgaaodmh

czz4uvdxaaaemmb

czz4uvew8aa5u_a

czz4uvewiaeuzrs

czz81vjwqaawfun

czzs-k-xeaq4ie8

czzuit_wqaaz4qw

czzxpxxxaaeppxz

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close