Conte oo sharaxaad ka bixiyay sababtii uu Fabregas uga soo tagay isla markaana uu Matic ugu soo bilaabay kulankii West Brom

(London) 11 Dis 2016 Tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa sharaxaad ka bixiyay sababtii galabta uu keydka uga soo tagay Fabregas oo ciyaar cajiib ah soo bandhigay kulankii Man City.

Antonio Conte ayaa ku soo bilaabay Nemanja Matic kulankii galabta kooxdiisu ay 1-0 uga adkaatay kooxda West Brom, laakiin Fabregas ayaa ka caawiyay Costa inuu dhaliyo goolka guusha taas oo su’aal galisay sababtii uusan ugu soo bilaaban.

Tababaraha reer talyaani ayaa sheegay in West Brom ay tahay koox ciyaarta kubadd adag iyo xoog jir ahaaneed taasna ay keentay inuu doorto ku soo bilaabashada Nemanja Matic.

“West Brom, xaqiiqdii waa koox ciyaarta kubadd ku dhisan xoog jir ahaaneed” ayuu yiri Antonio Conte dhamaadkii ciyaarta.

“Balse waxaan rumaysnaa Matic, sifiican ayuu u ciyaarayay ka hor intii uusan dhaawacmin, go’aan sax ah ayuuna ahaa inuu ku soo bilowdo”.

“Inaad haysato badal fiican sida Fabregas oo kale waa arin muhiim ii ah aniga”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close