Roma oo war farxad leh helaysa ka hor kulanka Juventus

(Roma) 10 Dis 2016 Kooxda Roma ayaa helaysa war farxad leh kadib markii la shaaciyay in Mohamed Salah uu taam u noqon karo kulanka Juventus ee isbuuca dambe.
Roma ayaa marti qaadi doonta isniinta kooxda AC.milan oo kula loolamaysa booska labaad ee horyaalka, waxayna kadib u safri doonta hogaamiyayaasha horyaalka ee Juventus.
Mohamed Salah ayaa ku dhaawacmay tababarka kooxda Roma dhamaadka bishii hore kadib markii uu si xun u jilaafay saaxiibkiis Vermaelen.
CalcioMercato ayaa daaha ka qaaday in 24 jirka reer Masar ay u badantahay inuu taam u noqdo kulanka Juventus kadib markii uu ka soo hormaray waqtigii la filayay inuu soo laabto.
Warkaan ayaa ah mid u wanaagan tababare Spalletti maadama uu xal u helayo weerarka kooxdiisa.
Gool FM