Mourinho oo xaqiijiyey in labadan xiddig aysan dheeli doonin kulanka Tottenham

FBL-ENG-PR-EVERTON-MAN UTD

(Manchester) 10 Dis 2016. Tababbaraha Manchester United Jose Mourinho waxa uu xaqiijiyey maqnaanshaha laba difaac oo ka mida laf dhabarta kooxda kulanka Tottenham ee axada.

Chris Smalling iyo Luke Shaw ma dheeli doonaan ciyaarta Spurs.

Red Devils si weyn ayey guul ugu baahantahay maadama ay laba jeer oo qura guuleysatay 10kii kulan ee ugu dambeeyey Premier League.

Tottenham waxa ay leedahay weeraryahano halis ah sida Harry Kane iyo Christian Eriksen, United wey tabi doontaa wiilasha ka maqan.

“Maya axada, maya”, ayuu yiri Mourinho mar wax laga weydiiyey xaalada labada daafac.

Smalling garoomada ayuu ka maqnaa tan iyo kulankii 4-0 looga badiyey Stamford Bridge bishii Oktpber, halka Shaw uu marna ku jiray 11-la hore ee Mourinho kolna ka maqnaa.

Manchester United v West Ham United - EFL Cup Quarter-Final

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close