LA LIGA: Kooxda Real Madrid oo hoggaanka horyaalka sii dheereysatay, iyadoo kabtan Ramos uu guusha xilli dambe u gacan galiyey… + SAWIRRO

(Madrid) 11 Dis 2016 – Kooxda Real Madrid ayaa guul ay u dagaallantay ka gaaray naadiga Deportivo La Coruna, waxaana ay uga adkaatay 3-2, iyadoo lix dhibcood oo nadiif ah ku qabtay horyaalka La Ligaha Spain.

Real Madrid ayaa goolka la horreysay waxaana kubbad uu ka soo soo tuuray bannaanka xerada ganaaxa u dhaliyey Alvaro Morata, kaddib baas uu ka helay Isco, kulanka ayaana sidaas ku noqday 1-0 ay ku gacan sarreeyeen wiilasha tababare Zidane.

Deportivo La Coruna ayaa labo gool oo deg deg ah la timid waxaana u kala dhaliyey 63’daqiiqo iyo 65’daqiiqo Joselu, sidaas ayaana Real Madrid lagu hoggaamiyey 2-1.

Laakiin kooxda tababare Zidane ayaa dib dabka ka soo shiday waxaana goolka barbaraha u dhaliyey 84’daqiiqo Mariano Mejia, kaasoo kulanka ka dhigay 2-2, kaddib markii uu madax u dhaliyey kooxdiisa.

Real Madrid ayaa goolka guusha la timid dhammaadkii ciyaarta daqiiqadihii lagu kordhiyey, waxaana madax guul ugu horseeday kooxdiisa cad-cadka kabtan Sergio Ramos, kaddib gees laad uu soo qaaday Kroos, kulanka ayaana ku soo dhammaadau 3-2.

Kooxda Real Madrid oo laga adkaan la’yahay 35 kulan oo xiriir ah ayaana sidaasi hoggaanka horyaalka La Ligaha Spain ugu haysa lix dhibcood oo saafi ah iyadoo leh 37-dhibcood, halka Barcelona oo ku soo xigta ay haysato 31-dhibcood.

SAWIRRO:

czwjpdfwqaaop9c

czwjluaxcaerz5m

czwjpeswqaamrii

czwhhozw8aaqom7

czwgsirwgaaq_11

czv5l6pwqaa6rdv

czv5l6axuaaagwr

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close