“Guul ayaan u aadaynaa Roma” – Luca Antonelli

(Milan) 10 Dis 2016 Daafaca kooxda AC.Milan ee Luca Antonelli ayaa ka hadlay kulanka kooxdiisu ay u safri doonto dhigeeda Roma isniinta.
Luca Antonelli ayaa sheegay in kooxdiisu guul oo kaliya ay u aadayso caasimada talyaaniga maadama ay isku dhibco yihiin.
29 jirkaan ayaa cadeeyay in kooxdiisu ay diyaar u tahay inay ku dhamaysato booska labaad waqtiga nasashada ee kala barka xiliciyaareed kan.
“Waxaan la ciyaaraynaa koox aan isku dhibco nahay, isla markaana ciyaarta kubadd aad u qurxoon” ayuu yiri laacibka AC.Milan.
“Guul ayaan u aadaynaa Roma si aan ugu dhamaysano booska labaad waqtiga ciida gaalada ee kala barka sanadka, waxaan ku jirnaa xiliciyaareed cajiib ah”.
Gool FM