EPL: Kooxda Leicester City oo xaaqday Manchester City oo marti u ahayd, xilli saddexleey uu saxiixay Jamie Vardy… + SAWIRRO

(Leicester) 10 Dis 2016 – Kooxda xafidanaysa horyaalka Premier League ee Liecester City ayaa guul wayn oo 4-2 ka gaartay naadiga Man City oo soo booqatay kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska.

Man City ayaa looga yaabsan garoonka King Power oo ay marti ugu ahayd Leicester City, kaddib markii shantii daqiiqo ee ugu horreysay ciyaarta looga dhaliyey 2 gool.

Goolka hore Leicester City ayaa yimid daqiiqaddii 3-aad ee bilowgii ciyaarta waxaana u dhaliyey Jamie Vardy, kaddib baas dhex-bixis ah oo uu ka helay Islam Slimani, kulanka ayaana sidaas ku noqday 1-0 lagu hoggaamiyey kooxda Man City.

Manchester City ayaa loogu shubay goolkii labaad daqiiqaddii 5’aad ee isla bilowgii ciyaarta, waxaana kubbad uu markale caawiyey Islam Slimani oo uu u taagay Andy King uu shabaqa meel sare ka galiyey, kulanka ayaana sidaas ku noqday 2-0 ay ku gacan sarreysay Liecester City.

Kooxda Liecester City ayaa la timid goolka saddexaad ee ciyaarta waxaana kubbad daba marayn ahayd oo Riyad Mahrez uu soo baasay 20’daqiiqo lugta u gashay Jamie Vardy, kaasoo inta goolhayaha Man City ee Bravo dhulka uga tagay shabaqa ku hubsaday kubbadda, waxaana Man City lagu hoggaamiyey 20-kii daqiiqo ee ugu horreeyey ciyaarta 3-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta, Jamie Vardy ayaa buuxsaday saddexleeydiisa kulankan 79’daqiiqo, goortii uu markale dhulka dhigay goolhaye Bravo, kubaddana uu iyadoo dhulka ku socota shabaqa u diray, waxaana kubbada birta intay ku dhacday ay diillinta goolka dhaaftay, garoosaraha ciyaarta ayaana ansixiyey inay hatay gool, sidaas ayeyna Liecester City 4-0 ku hoggaamisay Man City.

Kooxda tababare Pep Guardiola ayaa hal gool iska soo guday, waxaana laad xor ah (Free kick) oo toos ah u dhaliyey Aleksandar Kolarov, kulanka ayaana sidaas ku noqday 4-1 looga gacsan sarreeyey Man City.

Markale Man City ayaa goolka labaad la timid waxaana kubbad uu soo dadab ka soo qaaday Aleksandar Kolarov, dhammaystiray 90’daqiiqo Nolito, kulanka ayaana sidaasi ugu soo dhammaaday 4-2 looga adkaaday kooxda martida ahayd ee Man City.

Man City ayaa sidaas ku fadhisa kaalinta afaraad iyadoo leh 30-dhibcood, halka Liecester City ay ku jirto kaalinta 14-aad ee horyaalka iyadoo haysata 16-dhibcood.

SAWIRRO:

czvasfswgaatijs

czvbbswxaaaturm

czvcocmw8aerqwv

czvhlaywgaqh-er

czvmyozw8aevok9

czvte-nw8aqzssb

czvx6oixeaq8i5l

czvz5osxuaed5ms

czvz5owxuaab9wp

czvz5oyxuaa5fen

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close