EPL: Arsenal oo guul soo laabasho ah ka gaartay Stoke City oo marti u ahayd iyo kulamadii kale ee la ciyaaray horyaalka… + SAWIRRO

(Osasuna) 10 Dis 2016 – Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa guul soo laabasho ah ka gaartay Stoke City oo marti u ahayd, waxaana ay si ku meel gaar ah u qabtay hoggaanka horyaalka Premier League.

Arsenal waxaa dhaawac looga saaray 25’daqiiqo difaaceeda muslimka ah Shkodran Mustafi, waxaana lagu bedelay oo tababare Wenger uu garoonka soo galiyey Hector Bellerin.

Gunners ayaa lagu helay gool ku laad, kaddib markii uu Granit Xhaka uu xusul laqsiiyey Joe Allen, iyadoo lagu jiro xerada ganaaxa Arsenal, waxaana Stoke rigooradaas u dhaliyey 29’daqiiqo Charlie Adam, kulanka ayaana sidaas ku noqday 1-0 looga gacan sarreeyey Gunners.

Waxa ay Arsenal la timid goolka barabaraha inta aan la aadin qeybta nasashada, waxaana kubbad uu dadab ka soo qaaday 42’daqiiqo Hector Bellerin oo bedel ku soo galay dhammaystira wiilka dheereeya ee Theo Walcott, sidaas ayaana lagu kala nasay barbaro 1-1.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay Arsenal ayaa la timid goolka labaad, waxaana karoos uu soo qaaday Alex Oxlade-Chamberlain 50’daqiiqo madax ku dhaliyey Mesut Ozil, Gunners ayaana kulanka dhanka kale u rogtay iyadoo 2-1 ku hoggaamisay Stoke City.

Alexis Sanchez ayaa caawiye ka ahaa goolka saddexaad ee Arsenal kaasoo uu 75’daqiiqo dhaliyey Alex Iwobi, Gunners ayaana kulankan ku adkaatay 3-1.

Kooxda Arsenal hadda fariisatay fooqa sare ee horyaalka Premier League, iyadoo min 34-dhibcood la wadaagta Chelsea oo kulankeedu uu harsan yahay.

Natiijooyinka kulamadii kale ee maanta la ciyaaray Premier League:-

Watford 3 – 2 Everton

Burnley 3 – 2 AFC Bournemouth

Hull City 3 – 3 Crystal Palace

Swansea City 3 – 0 Sunderland

SAWIRRO:

czu4inkwgaaudeg

czu4inow8aai5sx

czu4iobxuaafeav

czu8azdxuaatidj

czvfvr_wqaaur7j

czvg3e5xaaase-r

czvg3e6w8aapbgz

czvg3e9weaaiq2d

czvg3fwxaaakmpr

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close