Conte oo ka soo horjeestay in Branislav Ivanovic uu katago Chelsea suuqa Janaayo

(London) 10 Dis 2016 Tababaraha kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa ka soo horjeestay in daaficiisa Branislav Ivanovic uu katago kooxda suuqa janaayo.

Laacib kaan qayaa qorshaynayay inuu katago kooxda bisha janaayo, isaga oo ku dhawaa inuu ku biiro kooxda reer France ee Marseille.

Shabakada Top Mercato ayaa baahisay in tababaraha reer talyaani uu ku wargaliyay Ivanovic inuu iska joogo kooxda suuqa janaayo maadama kooxdu ay aad ugu baahi qabto xiliciyaareed kan.

Qandaraaska Branislav Ivanovic uu kula jiro Chelsea ayaa ku eg dhamaadka xiliciyaareedkan, laacibka ayaana la sii joogi doona kooxda 6-da bil ee uga harsan heshiiskiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close