Ciyaaryahan Soomaali ah oo lagu magacaabo Abel Gigli oo ay horyaalka Slovenia isla qaadeen hogaamiyaha Milano Gianluca Lapadula oo sheegay in uu doonayo qaranka Soomaaliya+SAWIRRO iyo MUUQAAL

15401209_10154820638958970_244573432_n

(Milano) 10 Dis 2016.Ciyaaryahanka Soomaaliyeed ee haysta jinsiyada dalka talyaaniga ee lagu magacaabo Abel Gigli waa xidig ay dhashey hooyo Soomaaliyeed iyo Aabe Talyaani ah laakiin ahaa dadkii Soomaaliya kusoo bar baarey meesha loo yaqaano Fiosone.

.

Ciyaaryahankankan oo ah daafac Bir ah ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu u dheelo xulka waaweyn ee Soomaaliya,oo uu sheegay inuu guulo u horseedi doono hadii xulka loogu yeero sida u sheegay Ismaaciil Diyeeshe oo ay sxbo yihiin horeyna Xulka uga tirsanaa.

Wuxuu kulankiisi u horeeyey Serie A u dheelay kooxda musaliftey ee Parma, laakiin maadama Parma ay musliftey wuxuu hadda u dheelaa kooxda  Lupa Roma oo Gigli heshiis xur ah ku qaadatay 20 September 2016 .

Abel Gigli ayaa waxaa uu dheelay horyaalka Seria A kooxda Parma iyo Champion league isaga oo kamid ahaa daafacyadii ugu fiicnaa,waxaana uu horyaalka  Slovenian iska qaadeen xiddiga AC Milano Gianluca Lapadula waxaana uu sheegay in uu la yaabanyahay in uu xiddigaasi noqdo hogaamiyaha Milano.

Xiddigan ayaa waxaa tababar siiyay oo muddo qaadanayay oo dhan kasta ah halyaygii hore ee qaranka talyaaniga Roberto Baggio

“Gianluca Lapadula waxaan eheen weligayn saaxiibo ama walaalo waxaana u wada dheelnay kooxaha Parma iyo Gorica anaga oo ku guuleesanay koobab badan wadanka  Slovenia runtii la yaab ayay igu noqotay in walaakey uu u dheelo AC Milano”ayuu Gool FM u sheegay Abel Gigli.

Xiddigan Soomaaliga ah ayaa waxaa uu sheegay in riyadiisa ay tahay in uu xirto maaliyada qaranka Soomaaliya uuna jecelyahay in uu matalo wadankiisa hooyo isaga oo aad ugub farxay in ay lahadasho Gool FM waxaana dhawaan idiin soo gudbin doonaa waraysiga aan la yeelanay xiddigan.
 Ismail Mohamed Omar Ali oo ah laaciibkii hore ee qaranka Soomaaliya degana magaalada Milano oo sahlay isku xirka Xiddigan iyo idaacada Gool FM ayaa waxaa uu sheegay in ay jiraan xiddigo badan oo soomaali ah oo dibadaha ka ciyaara kuwaasi oo doonaya in ay qaranka soomaaliya u ciyaaraan balse ay waayeen meel ay kala xiriiraan.
TAARIIKHDIISA OO KOOBAN: 
Wuxuu kulankiisi u horeeyey Serie A u dheelay kooxda musaliftey ee Parma  25 April 2010 kulan ay la dheeleen kooxda Bologna markaa oo bedel lagu keenay daqiiqadii 43rd Massimo Paci.[2] bartamaha sanadkii 2010 waxaa laga iibiyey kooxda Atletico Roma oo ay wadaageen kooxda parma,
31kii bishii  August 2010 wuxuu aaday kooxda Viareggio.[3] isagoo saftay 3 kulan,wuxuuse ku laabtay  Parma 24 June 2011. Kadib July 2011 waxaa deeynlagu siiyey kooxda Fondi.11 July 2013 Gigli wuxuu u saxiixey kooxda Savona F.B.C. laakiin isla 1 August sanadkaasi wuxuu u wareegay koox isla Slovenian kadhisan ee ND Gorica.
9 August 2014 wuxuu dib ugu soo laabtay Italia isagoo usi amaah ah ugu biirey kooxda Serie B ee Crotone  laakiin maadama Parma ay musliftey wuxuu hadda u dheelaa kooxda Lupa Roma .

DAAWO MUUQAAL YAR OO KOOBAN XIDDIGAN

SAWIRRO:

maxresdefault epa04751833-frosinones-federico-dionisi-r-and-crotones-abel-gigli-epmhfj abel-gigli-8 abel-gigli-7 abel-gigli-3 abel-gigli-2 abel_gigli 15450949_10154820639608970_1765380099_n 15424435_10154825994073970_1883008978_n 15423514_10154827403958970_155086418_n 15417035_10154827403973970_386682253_n 15416043_10154820643318970_763157139_n 15401485_10154820643673970_622996012_n 15401209_10154820638958970_244573432_n 15398941_10154820638843970_1174278731_o 15397645_10154826008163970_726382033_o 15355876_10154820644163970_960077875_n 15354139_10154820639593970_760664424_o 13578996_10154310787308970_1219153194_n 13565372_10154310787298970_1053573715_n 13565339_10154310787303970_1879217618_n 13524245_10154310787293970_410543159_o

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close