Liverpool oo uga dhaw Arsenal saxiixa Christian Pulisic

(Liverpool) 09 Dis 2016 Kooxda Liverpool ayaa uga dhaw dhigeeda Arsenal laacibka kooxda Borussia Dortmund ee Christian Pulisic sida ay baahisay The Sun.

Tababare Klopp ayaa doonaya inuu keeno Liverpool laacibkiisii hore ee Christian Pulisic kaas oo ka mid ahaa Borussia waqtigii Klopp uu la joogay kooxda reer Jarmal.

Wararka ayaa intaa ku daraya in kooxda Borussia ay u ogolaanayso Christian Pulisic inuu ku biiro Liverpool maadama uu joogo tababarihiisii hore ee Klopp taas oo daaqada ka saaraysa tartankii Arsenal ay ku doonaysay laacibka reer Maraykan.

Dhanka kale kooxda Tottenham ayaa ka mid ahayd kooxaha Premier League ee sida wayn u xiisaynaya saxiixa 18 jirka kooxda Borussia ee Christian Pulisic.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close