Horyaalka La Liga oo xoog ku heysta tartamada Yurub…(Yaa ku soo xiga?)

la-ligag

(Europe) 09 Dis 2016. Kooxaha ka dhisan horyaalka La Liga ayaa sii wata fiicnaanshahooda sanadihii dhawaa iyadoo ay soo wada bexeen dhammaan kooxaha ugu qeyb galaya tartamada Yurub ee Champions League iyo Europe League.

Barcelona, Real Madrid, Atletico Madrid iyo  Sevilla oo kooxaha Spain ku matalayay Champions League ayaa soo wada baxay halka ay xalayna soo wada gudbeen Athletic Club, Celta Vigo iyo Villarreal oo qeyb ka ahaa Europe League.

la-liga

Horyaalada Bundesliga Jarmalka iyo Premier League Ingiriiska ayaa ku soo xiga oo waxaa u soo gudubtay 5-koox oo uga qeyb galayay tartamada Yurub, Serie A Talyaaniga iyo Ligue 1 Faransiiska ayaa ku soo xiga oo ay u soo gudbeen min 4 koox halka horyaalka Belgium ay u soo bexeen saddex kooxood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close