Karim Benzema oo dhaliyey goolkiisii 50-aad ee Champions League… (Waxaana uu noqday xiddigii lixaad ee..)

czgumkzxuakcumn

(Madrid) 08 Dis 2016 – Real Madrid ayaa barbaro la gashay xalay kooxda Borussia Dortmund kulankii ugu dambeeyey ee heerka guruubyada Champions League, waxaana ay ku kala baxeen 2-2.

Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa gaaray goolkiisii 50-aad ee Champions League markii uu labo jeer shabaqa ka soo taabtay naadiga Borussia Dortmund.

Xiddiga xulka qaranka France ayaa labadaas gool kala dhaliyey daqiiqadihii 28’aad iyo 53’aad, waxaana ay goolashaasi hoggaanka ciyaarta 2-0 ku siiyeen kooxdiisa Real Madrid kulankii ka dhacay garoonka Santiago Bernabeu, inkastoo goolashaas laga barbareeyey oo ay ku dhammaysteen kaalinta labaad ee guruubkooda F.

Waxa uu dhaliyey Benzema goolkiisii 49-aad iyo kiisii 50-aad ee tartankan, isagoo ka sare maray halyeyga Real Madrid ee Alfredo Di Stefano oo leh 49 gool, waxaana uu la sintay goolasha ee Thierry Henry ka dhaliyey tartankan oo ah 50 gool.

czgia9jxuamk9pw

Benzema ayaa noqday ciyaaryahankii lixaad ee 50 gool ka dhaliya tartanka Champions League, waxaana ka horreeya Cristiano Ronaldo (95), Lionel Messi (93), Raul (71), Ruud van Nistelrooy (56), halka isaga iyo Henry ay wadaagaan min 50 gool.

gfx-champions-league-top-scorers_i47sxyoarlxr1chw70xhk4eab

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close