Real Madrid oo barbaraysay Rikoodhkeedii guuldarro la’aanta ee ugu dheeraa abid, inkastoo ay barbaro gashay labadii kulan ee ugu dambeeyey

czgezhqxcaeuier

(Madrid) 08 Dis 2016 – Inkastoo ay barbaro gashay labadii kulan ee ugu dambeeyey haddana kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Waddanka Spain ayaa barbaraysay Rikoodhkeedii guuldarro la’aanta ee ugu dheeraa abid.

Real Madrid waxa ay barbaro la gashay xalay kooxda Borussia Dortmund kulankii ugu dambeeyey ee heerka guruubyada Champions League, waxaana ay ku kala baxeen barbaro 2-2, iyadoo kulankan kii ka horreeyeyna barbaro 1-1 la soo gashay naadiga Barcelona kulankii El Clasico.

Haddaba barbaraha ay la gashay Borussia Dortmund ayey kooxda Real Madrid ku barbaraysay rikoodhkeedii guuldarro la’aan ee ugu dheeraa abid tartammada oo dhan kaasoo ahaa 34 kulan, waxaana rikoodhkan horay u haystay tababare Leo Beenhakker oo 34 kulan oo xiriir ah aan laga adkaan sanadkii 1989-kii, isagoo hoggaaminayey kooxda Los Blancos.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close