RASMI: Marcelo Brozovic oo heshiis cusub u saxiixay Inter

(Milan) 07 Dis 2016 Kooxda Inter Milan ee dalka talyaaniga ayaa si rasmi ah u shaacisay inay heshiis cusub ka saxiixday laacibkeeda reer Croatia ee Marcelo Brozovic.

24 jirkaan reer Croatia ayaan boos joogto ah ka haysan kooxdiisa bilowgii xiliciyaareed kan markaas oo tababarihii hore ee Frank de Boer uusan la dhicin qaab ciyaareed kiisa.

Laakiin Marcelo Brozovic ayaa dib ugu soo laabtay safka hore ee Inter markii uu kooxda la wareegay tababare Pioli, kooxda ayaana shaacisay in laacibkooda uu qalinka ku duugay heshiis ku eg ilaa 2021.

“Marcelo Brozovic wuxuu saxiixay heshiis cusub oo ah ilaa 2021” ayaa lagu yiri war qoraaleed ay soo dhigtay kooxda Boggeeda Twitter-ka.

Qandaraaska laacib kaan ee Inter ayaa ku ekaa 2019, wuxuuna ku sii kordhiyay labasano oo dheeraad ah, Inter ayaa albaabka ka xiratay Arsenal iyo Chelsea oo doonayay Marcelo Brozovic.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close