Kooxda Leicester City oo RIKOODH aan loo baahnayn ka heshay Koobka Horyaallada Yurub

czgna37xuaaoofe

(England) 08 Dis 2016 – Inkastoo Leicester City ay kaalinta koowaad kaga soo baxday guruubkeeda G ee Champions League una soo baxday wareegga 16-ka, haddana waxa ay guuldarro wayn kala kulantay kulankeedii ugu dambeeyey heerka guruubyada kooxda FC Porto.

Kooxda xafidanaysa horyaalka Premier League ee Leicester City ayaa looga badiyey 5-0, waxaana Porto ay shantaas gool ka kala heshay 6’daqiiqo Andre Silva, 26’daqiiqo Jesus Corona, 44’daqiiqo Yacine Brahimi, 64’daqiiqo Andre Silva iyo 77’daqiiqo Diogo Jota.

Haddaba guuldarradaas 5-0 ee soo gaartay kooxda Leicester City ayaa ah guuldarradii ugu waynayd ee koox Ingiriis ah ka soo gaartay Champions League ama European Cup Taariikhda.

Sidoo kale Leicester ayaa 5 gool looga soo dhaliyey meel ka baxsan garoonkeeda markii ugu horreysay tan iyo bishii Maarso sanadkii 2012.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close