Klopp oo war wanaagsan helaya ka hor kulanka West Ham United

(Liverpool) 07 Dis 2017 Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa helaya war wanaagsan kadib markii tababarkii saaka lagu arkay ciyaartoy dhawr ah.

Daafaca reer Cameroon ee Joel Matip ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa Liverpool kadib markii uu seegay kulankii 4-3 looga adkaaday axadii.

Sidoo kale Sadio Mane, Adam Lallana iyo Roberto Firmino ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxda ka hor kulanka axada ee West Ham United.

Tababare Klopp ayaa ku faraxsan inuu dib u helo ciyaartoy lafdhabar u ah kooxdiisa, waxaana xusid mudan inuu laba maalin fasax ku geeyay ciyaartoydiisa magaalada Barcelona kadib guul daradii Bournemouth.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close